Joint Commission
English | Español | Bosnian | Somalian | Kurdish
OGEYSIIN DADWEYNE
Guddiga Wadajirku (Joint Commission) wuxuu baaritaan shaqo-gudasho ah oo aan horey loo shaacin ku sameynkaraa ururkaan, Family HealthCare Center, waqti kasta. Hadafka laga leeyahay baaritaan sameyntaan wuxuu ahaandoonaa in la qiimeeyo Family HealthCare Center si jogteysan ugu hoggaansanaanteeda heerarka macquulka ee Guddiga Wadajirku si heer qaran ah u dejiyey. Natiijooyinka ka soo baxa baritaanka waxaa loo isticmaalidoonaa in la go’aansado haddii, iyo shurudaha, shaqo qabashadu ay noqoto mid lagu abaal-mariyo Family HealthCare Center.
Heerarka shaqo fulinta (standards) ee uu dejiyey Guddiga Wadajirku wuxuu shaqo ku leeyahay arrimo daryeel caafimaad oo tayo habeysan leh iyo nabadgelyada deegaanka laga fidinayo daryeelka.
Hadii shaqsi gaar ahi uu wax ka tabanayo arrimaha ku saabsan daryeelidda bukaan-socodka iyo amnigiisa Family HealthCare Center, kuwaasoo aan la xusin, qofkaas waxaa lagu dhiirogelinayaa in uu la soo xiriiro isbitaalka taleefoonkiisa ah: (701) 271-3344. Hadii cabashooyinka lagu xalinkariwaayo heerka wakiilada shaqaalaha, shaqsiga waxaa lagu dhiiragelinayaa in uu la soo xiriiro Guddiga Wadajirka (Joint Coommission). Macluumaadka ku saabsan sida loola soo xiriirikaro Guddiga Wadajirka waa sida soo socota:
Division of Accreditation Operations
Office of Quality Monitoring
Joint Commission
One Renaissance Boulevard
Oakbrook Terrace, IL 60181
OR
1 (800) 994-6610
OR
E-maile to: complaint@jointcommission.org




